Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay xasillinta & samafalka goobaha laga xorreeyay Al-shabaab

Published: October 24, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. 

Wakiilka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay kooxda Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay James hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

James oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan.

Horseed Media