Soomaaliya iyo Serbia oo ka wada hadlay dhismaha & tayeynta Ciidanka Booliska

Published: November 17, 2022
Shares84

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo Safar Shaqo ku joogo Dalka Serbia ayaa Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dhaqaaalaha Jamhuuriyadda Serbia Rade Basta.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray Xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo Saaxiibtinimo sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan khibrada dowladda Serbia ay u leedahay Dhaqaalo Abuurka.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia Bratislav Gašić, isagoo mar hore ugu hambaliyeeyay xilka wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda Serbia ay uga qeyb qaadan laheyd dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia uu sheegay in ay Dowladda Serbia diyaar u tahay taageerida Dowladda Soomaaliya.

Horseed Media