Soomaaliya oo $18m ka hesha Bangiga Horumarinta Afrika si wax looga qabto isbeddelka cimilada

Published: May 28, 2024

Bankiga Horumarinta Afrika ayaa ugu deeqay Soomaaliya lacag dhan $18 milyan oo dollar, si loogu taageero dedaallada dalka ee wax looga qabanaayo arrimaha deegaanka iyo yareynta saameynta isbedelka cimilada.

Heshiiskan maaliyadeed waxa si wada jir ah u saxeexay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige iyo guddoomiye ku xigeenka bangiga horumarinta Afrika, Dr. Beth Dunford, iyadoo heshiiskan uu yahay mid wax ku ool ah u leh dawladda Soomaaliya.

Wasiir Cige oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu mashruucani u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan beeralayda iyo xoolo dhaqatada iyo doorka uu ku leeyahay wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noqnoqda ee fatahaadaha iyo abaaraha. “Mashruucan oo ay ku baxayso $18-milyan oo dollar ayaa wax weyn ka tari doona shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku howlan tacabka beeraha iyo dhaqashada xoolaha, waxa uuna sidoo kale wax weyn ka tari doonaa dhibaatooyinka soo noqnoqda ee ka dhasha fatahaadaha iyo abaaraha” ayuu yiri Biixi Iimaan.

Shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa dib u habeynta hay’adaha maaliyadda Afrika iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

HORSEED MEDIA