Soomaaliya Oo Amartay Inuu Dalka Ka Baxo Safiirka Kenya Una Yeertay Danjiraheeda

Published: November 29, 2020

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dawladda Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Dawladda Soomaaliya waxay Kenya u eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Ugu dambayn xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda danjire Maxamed Cali Nuur ayaa xusay in dawladda FS aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *