Soomaaliya Oo Bilowday Diiwaangelinta Diyaaradaha

Published: February 12, 2021

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay bilowday diiwaangelinta diyaaradaha iyo ruqsad-siinta xirfadlayaasha, waxaana maanta lagu daahfuray magaalada Muqdisho.

Munaasabad daahfurka oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa kasoo qaybgalay safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano, mulkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh shirkadaha diyaaradaha iyo masuuliyiinta wasaaradda duulista hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ka warbixiyey dadaalka dowladda ku bixisay sanadihii la soo dhaafay dib u soo celinta shaqadan oo ah astaan dowladeed.

Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *