Soomaaliya Oo Dib Usoo Celisay Xiriirkii Kenya

Published: May 6, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhamaaday ayaa maanta ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xiriirkii Diblomaasiydeed ee kala dhexeeyey dowladda Kenya, kadib wadahadal mira dhalay oo ay yeesheen madaxda labada dal, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda Qatar.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al cadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay go’aanka lagu soo celiyey xiriirka labada dal.

“Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.”

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya

Soomaaliya ayaa dowladda Qatar uga mahadcelisay dadaallada ay ku bixisay sidii mar kale heshiis looga gaari lahaa go’aan kii ay Soomaaliya bartamihii bishii December ee sannadkii hore 2020 xiriirka diblumaasiyadeed uga jartay Kenya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *