Soomaaliya oo Ireland ka codsatay inay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha

Published: November 9, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu ku joogay dalka Masar ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland Simon Coveney.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiirka Simon Coveney xoojinta xiriirka Labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horreeyey ee hoggaankoodu ay Soomaaliya soo gaaraan xilligii dalku uu la daalaa dhacayey colaadaha sokooye iyo duruufihii nololeed ee adkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay halganka wadajirka ah ee shacabka iyo dowlad Soomaaliyeed ay maanta dalka kaga xoreynayaan Al-shabaab iyo dadaallada xooggan ee gurmadka abaaraha, waxa uuna ka rajeeyey Jamhuuriyadda Ireland in ay arrimahaas gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Simon Coveney ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan iyo kulankan miro-dhalka ah, waxa uuna sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codka Ireland ee gudaha Midowga Yurubna ay ka kabayaan dadaallada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo inta ay ku sugnaayeen Sharma Sheekh ku soo bandhigay caqabadaha xooggan ee dalkeenna ka soo gaaray isbeddelka cimilada.

Horseed Media