Soomaaliya Oo Ka Hadashay Go’aankii Kenya Ku Hakisay Duulimaadyada

Published: May 11, 2021

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aanka ay Kenya ku joojisay duulimaadyadii Soomaaliya ayaa sheegtay in weli arrintaas aan si rasmi ah loo gala soo xiriirin.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay inay go’aankan ka arkeen oo kaliya warbaahinta, oo aysan jirin farriin uga timid dhanka Kenya.

“Dowlada Soomaaliya waxa ay arrinkaas kasoo saari doontaaa go’aan munaasib ku ah, waqtiga ku haboona uu go’aankaasi soo bixi doono.”

Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa maanta hakisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya, balse xayiraadan ma saamayn doono diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *