Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa sheegay inay ku howlan yihiin qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.
Xajaar oo ka hadlay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cadeeyay inay ka qayb-noqon doonaan dhismaha booliiska Africa oo haantan lagu yigleelayo carriga Algeria, isla markaana una direen saraakiil.
Taliyaha ayaa intaas ku daray inay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, gaadiidka, isgaarsiinta iyo qalabka boliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran.
Wuxuu sheegay in ciidamada boliiska Soomaaliyeed uu ka mid yahay Inter Pol-ka, (International Police), xafiisna ay ku leeyihiin Muqdisho.
Sareeye Gaas Cabdi Xasan, taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in dhawaan ay magaalada Nairobi ka furi doonaan xafiis ay ku mideysan yihiin boliiska bariga Africa, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in ay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka waddamada gobolka.