Soomaaliya Oo Turkiga Ka Codsatay Inuu Ka Caawiyo Tababarada Hawlwadeenada Cadaaladda

Published: December 26, 2020

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Xeer ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga Beker Sahin.

Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa looga wada hadlay sidii Turkiga iyo Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen xoojinta hay’adaha garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay in hay’adaha cadaaladda Turkigu ay Soomaaliya ka taageeraan tababarada hawlwadeenada cadaaladda, sida xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha, taas oo Soomaaliya ku caawinaysa ku dhaqanka sharciga iyo helitaanka cadaalad wax ku ool ah.

“Turkigu waa wehel istiraatiiji ah oo saaxiib la ah dalkeena” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayey kulanka uu la qaatay dhigiisa Turkiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *