Soomaaliya oo uga mahadcelisay Romania qaabilaadda muwaadiniin Soomaaliyeed

Published: March 3, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay maanta oo ah Arbaco Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Romania, Mudane Cornel Feruţă.

Wasiir Cabdisaciid ayaa yiri ” waxa aan wadahadal wanaagsan la yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Romania Mudane Cornel Feruţă oo igu wargeliyay in Romania ay qaabishay 40 muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid dhanka Ukraine, waxaana loo oggolaaday inay joogaan Romania”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “waxa aan uga mahadceliyay Mudane Cornel Feruţă iyo dowladdiisa tallaabooyinka mahdinta leh iyo taageerada. Waxa aan ku heshiinnay inaan xoojinno xiriirkeena taariikhiga ah ee muddada dheer jiray iyo sii ambaqaadidda iskaashiga ku qotama howlaha dano wadaagga”.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *