Soomaaliya oo Wadamada Jaamacadda Carabta ka dalbatay dhameystirka deyn-cafinta

Published: October 28, 2022

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta khudbad ka jeediyay Fadhiga 31-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Wadanka Algeria, caasimaddiisa Algiers.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Sidoo kale Shirka Waxaa GoobJoog ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria Cabduwahaab Mocalim Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta/ ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar ILyaas Shiikh Cumar.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Algiers waxaa uu kulamo doceedyo kale la yeelan doonaa qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galaya shirkaas.

Horseed Media