Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Difaac

Published: February 8, 2024

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Yaşar Güler.

Kulanka Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo dagaalka Khawaarijta oo xilligaan uu ka socda gobollada dalka.

Sidoo kale Wasiir Nuur iyo Wasiir Güler ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan gobolka, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay kulankaan ayaa dowladda Turkiga ugu mahadceliyay kaalmada walaalnimo ee hagar la’aaneed ee mar walba Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed la garab taaganyihiin.

Horseed Media