South Africa: Koox hubeysan oo weerar ku qaaday Saldhig Booliis

Published: February 21, 2018

Ugu yaraan lix askari ayaa lagu dilay xalay weerar ay koox hubeysan ku qaaday saldhig booliis oo ku yaal deegaanka Engcobo ee koonfurta dalkaasi.

Maleeshiyaadka weerarka geystay oo dilay dhamaan askartii illaalada ka ahayd saldhigaasi ayaa sidoo kale horey usii qafaashay labo askari, kuwaasi oo meydkooda mar danbe laga helay duleedka degmadaasi.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la sheegay inuu qorshahooda ahaa inay saldhigaasi kala baxaan hubka yaalay, waxaana la xaqiijiyey inay horey u qaateen saanadii iyo hubkii xaruntaasi u yaalay ciidamada Booliiska.

Dalka Koonfur Afrika oo sanadihii lasoo dhaafay kusii badanayeen weerarada loo geysto ganacsatada ayaa waxaa sidoo kale sare usii kacay weerarada lala beegsanayo booliiska dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *