South Afrika: Gacan ka hadalkii ka dhacay Baarlamaanka – VIDEO

Published: February 10, 2017

Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa kalfadhigiisii shalay kusoo dhamaaday buuq iyo gacan ka hadal kadib markii xildhibaanada Mucaaridka ah diideen inuu Golayaasha khudbad usoo jeediyo Madaxweyne Jacob Zuma.

Xildhibaanada Xisbiga Economic Freedom Fighters (EFF) ee xagjirka ah ayaa u diiday Madaxweyne Zuma inuu khudbadiisa dhameysto, iyagoo ku tilmaamay hogaamiye fashilay oo laga doonayo inuu xukunka isaga dego.

Kadib markii xildhibaanada diideen inay buuqa joojiyaan ayey illaalada Baarlamaanka bilaabeen inay xoog uga saaraan fadhiga dhamaan xildhibanaadii gadoodka waday, halkaasi oo uu ka dhacay gacan ka hadal mudo dheer socday.

Banaanka xarunta Baarlamaanka ayey sidoo kale gacanta isula tageen taageerayaasha mucaaridka iyo ciidamada rabshadaha ka hortaga.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *