South Korea: Maraykanka oo gantaalada THAAD geeyey kuuriyada – VIDEO

Published: March 7, 2017

Militariga Maraykanka ayaa markii ugu horeysay hubka Gantaalada Difaaca ah ee loo yaqaan Thaad geeyey dalkaasi Kuuriyada Koonfureed.

Tilaabadan ayaa ah mid looga hortagayo Gantaalada ay tijaabisay Xukuumada Kuuriyada Waqooyi.

Hubkan waxaa si weyn uga soo horjeeday in gobalkaasi la geeyo wadanka CHINA, kaasi oo hubkan u arka mid khatar ku ah awoodooda militari ee gobalkaasi.

Mashruucan Gantaalada Thaad ee Maraykanka ayaa waxaa horey sanadkii lasoo dhaafay ugu heshiiyey Xukuumada Kuuriyada Koonfureed iyo Washington si ay uga hortagaan khatarta uga imaankarta Kuuriyada Waqooyi. Imaanshaha hubkan Maraykanka ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalo horleh oo nooca ridada dheer kuwaasi oo kusoo dhacay bada meel 200 mile u jirta dhulka Japan.

China oo ka careysan tilaabadan Maraykanka hubkan ku keenay Kuuriyada Koonfureed ayaa xayiraad dul dhigtay Qaar kamid ah Badeecada laga keeno dalkaasi Kuuriyada koonfureed ee la keeno suuqyada wadanka Shiinaha.

Xiisadan Kuuriyada Waqooyi ay bilowday ayaa u muuqata mid sii balaaraneysa isla markaana soo gelisay arrintan quwadaha kala taageeraya labada kuuriya.

Xukuumada China ayaa u aragta Maraykanka mid ka faa`iideysanaya xiisada Kuuriyada isla markaana hub kusoo daabulaya gobalkooda, xili China lafteedu ay dadaal ugu jirto inay awoodeeda militari ku baahiso qaarada Aasiya.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *