Sudan ayaa hakisay xiriirkii ay la lahayd urur goboleedka IGAD, kadib markii ay casumeen taliyaha ciidamada RSF

Published: January 16, 2024

Dowladda Suudaan ayaa Talaadadii hakisay xiriirkii ay la lahayd urur goboleedka IGAD ee bariga Afrika, iyagoo ku eedeeyay inay “xadgudub ku tahay” madax-bannaanida dalka, kaddib markii ay ku casuuntay shir madaxeed taliyaha ciidamada RSF oo ay iska soo horjeedaan.

Sagaal bilood ayaa kasoo wareegtay markii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada dowlada iyo ciidamada gurmadka degdega ah, ciidanka dowlada ayaa lumiyey deegaano badan halka hogaamiyaha ciidamada RSF Maxamed Xamdaan Daglo uu socdaal ku marayay caasimadaha Afrika, si kor loogu qaado maqaamkiisa diblumaasiyadeed, IGAD waxay casuumaad ugu fidisay Daglo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee ka dhacaya Uganda Khamiista.

Balse tallaabadan ayaa keentay in wasaaradda arrimaha dibadda ee daacadda u ah taliyaha ciidamada iyo hoggaamiyaha Sudan Abdel Fattah al-Burhan ay ku dhawaaqdo inay hakisay xiriirkii ay la lahayd ururka IGAD.

Burhaan ayaa dhawaan ku eedeeyay ururka inay doonayaan inay soo farageliyaan “arrimaha gudaha ah”.

Daglo ayaa socdaal cusub ku tagay lix caasimadood oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan xubno IGAD ka tirsan, halka dadka wax falanqeeya ay sheegayaan in Taliska Burhan ee Sudan uu sii galayo go’doon diblomaasiyadeed, maadaama ciidamadiisa ay luminayaan dhul baddan.

Burhaan ayaa si caro leh uga falceliyay maqaamka diblumaasiyadeed ee sii kordhaya ee Daglo, isagoo ku eedeeyay madaxda Afrikaanka ah ee qaabilay hogaamiyaha RSF inay ku lug leeyihiin xasuuqa shacabka Sudan.

Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin duqeymo aan loo meel dayin oo loo geystay dad shacab ah, jirdil iyo xarig.

RSF ayaa sidoo kale si gaar ah loogu eedeeyay dil wadareed ku saleysan isir, dhac baahsan iyo kufsi wadareed.

Horseed Media