Sudan: Dagaalka ka socda El-Fasher oo ay ku dhinteen 85 qof

Published: May 22, 2024

Ugu yaraan 85 qof ayaa ku dhintay hal isbitaal oo ku yaalla magaalada El-Fasher ee gobolka Darfur tan iyo markii uu soo cusboonaaday dagaalka u dhaxeeya dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan, sida ay sheegtay hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn.

Muddo sannad ka badan, ayaa dagaalku u dhexeeyey millatariga Suudaan oo uu hoggaaminayey taliyaha ciidanka Abdel Fattah al-Burhaan iyo ciidammada taageerada degdegga ah (RSF), oo uu hoggaaminayo ku xigeenkiisii hore Maxamed Xamdaan Daglo.

El-Fasher waa caasimadda gobolka galbeedka ee Darfur iyo magaalada kaliya ee gobalkaasi oo aysan weli qabsan ciidamada RSF, gobolkaasi oo xiligan qarka u saaran macaluul.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, tobanaan kun oo qof ayaa lagu dilay, oo ay ku jiraan ilaa 15,000 oo qof oo lagu dilay hal magaalo oo galbeedka Darfur ah, sida ay sheegeen khubarada Qaramada Midoobay.

Ku dhawaad sagaal milyan oo qof ayaa laga saaray guryahoodii. Dhamaadkii bishii Abriil, Waqooyiga Darfur oo keliya waxaa gaaray in ka badan nus milyan qof oo ah barakacayaal cusub, sida lagu sheegay tirakoobka hay’adaha Qaramada Midoobay.

Horseed Media