Sudan: In ka badan 100 qof oo lagu dilay dagaalka El Fasher

Published: May 27, 2024

Dagaalka xoogan ee ka socda caasimada gobalka Waqooyiga Darfur ee galbeedka dalka Sudaan ayaa sii xoogeystay, iyadoo in ka badan 123 qof lagu dilay dagaalka halka dhaawac soo gaaray boqolaal kale sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka Axaddii shalay.

Dhakhaatiirta aan Xaduuda lahayn ayaa sheegay in shacabka dhaawacyada kasoo gaareen dagaalada socda todobaadyadii lasoo dhaafay ay kor u dhaafayaan 930 qof.

El-Fasher waxay noqotay xudunta colaadda u dhaxaysa ciidamada milateriga iyo kuwa RSF, kuwaas oo gacan ka helaya maleeshiyaad Carab ah oo inta badan loo yaqaan Janjaweed. Magaaladu waa dhufeyskii ugu dambeeyay ee ay wali ciidamadu dowlada ku leeyihiin gobalka balaaran ee Darfur.

Colaadda Suudaan ayaa billowday bishii Abriil ee sannadkii hore markii ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhexeysa hoggaamiyeyaasha millatariga iyo RSF-ta, kadib markii uu ka qarxay dagaal caasimadda Khartuum iyo meelo kale oo dalka ah.

Iskahorimaadka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 14,000 oo qof, kumanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen iyadoo ay ku baro-kaceen in ka badan 8 milyan oo qof.

Horseed Media