Sudan oo Itoobiya uga digtay buuxinta Biyo-Xireenka Nile

Published: February 2, 2021

Wasiirka Beeraha ee Sudan ayaa sheegay in dowladiisa ay kasoo horjeedo qorshaha Xukuumada Itoobiya ay ku dooneyso inay markale biyaha Nile ka buuxiso Biyo-xireenka ay sameysteen, iyadoo aan wax heshiis ah la gelin Sudan iyo Masar.

Dowlada Itoobiya ayaa bishii Luulyo ee sanadkii tagay bilowday inay biyaha wabiga Nile ka buuxiso biyo-xireenka ay dhistay, waxayna Addis Ababa qorsheenaysaa sanadkan in markii labaad ay biyaha wabiga ka buuxsato Biyo-Xireenka arrintan oo khatar ku keeni karta beeraleyda iyo dadka ku nool biyahaasi ee wadamada Sudan & Masar.

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo Isniintii shalay booqday magaalada Khartuum ayaa xukuumada Sudan kala hadlay arrimaha waan waanta la waday ee ku aadan Biyo-Xireenka Itoobiya oo horey marar badan natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

Sudan ayaa horey u ogolaatay in Itoobiya ay biyo-xireenka ku kaydsato biyaha balse waxay shardi uga dhigtay in labada wadan ay wada go’aamiyaan qaabka loo maareenayo cadadka biyaha lagu keydinayo biyo-xireenka, arrintaasi oo ay Khatruum sheegtay inay diiday xukuumada Addis Ababa.

Dowlada Masar ayaa iyada go’aan kaas ka adag ka taagan arrimaha biyo-xireenkan, iyagoo sheegay in uu khatar ku yahay mashruucan shacabkooda ku nool biyaha wabiga Nile, waxayna Masar horey ugu hanjabtay inay tilaabo militari qaadi doonto hadii wax heshiis ah laga gaari waayo arrintan.

Xiligan ayey jiraan xiisado iyo dhaq-dhaqaaqyo militari oo u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya oo la xariirta xaduuda labadaasi dal, arrintan oo laga yaabo inay sii xumeyso xiriirka wadamadan jaarka ah, xili Masar ay dardargelisay iskaashiga militari oo ay la leedahay dowlada Sudan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *