Syria: Qaraxyo lala beegsaday Xuska Shiicada ee Dimishiq – VIDEO

Published: March 12, 2017

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhimatay labo qarax oo waaweyn oo Sabtidii ka dhacay caasimada Siiriya ee Dimishiq.

Weerarkan culus ayaa lala beegsaday xarun ay booqdaan dadka shiicada ah oo ku taal caasimada Siiriya, goobtaasi oo sanadihii lasoo dhaafay marar badan qaraxyo lala beegsaday.

Dadka weerarkan ugu danbeeyey ku dhintay ayaa u badnaa shiico ka timid dalka Ciraaq kuwaasi oo saarnaa gawaari basas ah.

Illaa iyo hada ma jirto koox sheegatay weerarkan khasaaraha badan ka dhashay, waxaana qarax kan lamid ah sanadkii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 60 qof.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *