Syria: Wadooyinkii tagi jiray Xarunta ISIS ee Raqa oo la jaray

Published: March 7, 2017

Waxaa gebi ahaan la jaray dhamaan wadooyinkii tagi jiray magaalada Raqqa oo ah xarunta kooxda Daacish ee dalkaasi Siiriya.

Xoogaga loo yaqaan SDF ee u badan kurdida oo taageero ka helaya Maraykanka ayaa ku guuleystay inay qabsadaan wadadii kaliya ee tagi jirtay magaaladaas Raqqa oo ku taal waqooyiga siiriya.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa horey u jaray buundooyinka wadooyinka taga magaalada Raqqa, waxaana hada gebi ahaan lala wareegay wadada isku xirta Raqqa iyo Dery El Suur oo ahaa mida kaliya ee hada la isticmaalo.

Tilaabadan lagu hareereeyey magaalada Raqqa ayaa horudhac u ah qorshaha la doonayo in magaaladaasi looga saaro xoogaga ISIS.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *