Tababar loo soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Gorgor

Published: July 19, 2021

Cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad ee ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa tababar loogu soo xiray xerada tababarrada ciidamada Soomaaliya ee Turkisom.

Munaasabad lagu dhaariyey ciidamada soo dhameystay tababarka ay ku qaateen dugsiga tababarka militeriga Soomaaliya ee TurkiSom ee magaalada Muqdisho ayaa Axadii shalay lagu qabtay xeradaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb galay xaflada dhaarinta ciidamadaan oo qeyb ka noqonaya kumandooska xoogga Soomaaliya ee Gorgor.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *