Taiwan Iyo Somaliland Oo Wakiilo Isu Magacawday

Published: July 3, 2020
Lou Chen-hwa & Mohamed Hagi

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, ayaa u magacawday wakiilka u fadhiya Soomaaliland, Lou Chen-hwa oo horey wakiil uga soo noqday dalka Sacuudi Carabiya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa u xaqiijiyey magacaabistan Tv-ga CNA.

Dhanka kale Soomaaliland ayaa Mohamed Hagi u magacawday wakiilkeeda Taiwan sida uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland.

Magacaabista wakiiladan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ay si weyn u cambaaraysay heshiiska ay Taiwan la gashay Soomaaliland maadaama ay wali Taiwan madaxbanaani ka qaadan dalka Shiinaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *