Taiwan oo howlgelisay maraakiibta iyo diyaaradaheeda dagaalka

Published: August 5, 2022
Shares258
Taiwan oo howlgelisay diyaaradaheeda dagaalka iyo maraakiibta

Militeriga Shiinaha ayaa maalintii Labaad dib u billaabay howlgal dhoollatus ah oo lagu tilmaamay kii ugu waynaa ee ka dhacay gobolkaas.

Shalay iyo maantaba waxay ciidanka Shiinaha samaynayeen dabrid ay qayb ka yihiin gantaallo lagu riday meelo u dhow Taiwan, iyagoo u muuqday inay hareereeyeen jasiiraddaas.

Wararkii ugu dambeeyay maanta soo baxaya waxay sheegayaan in dowladda ka talisa Taiwan ay amar ku siisay taliskeeda militeriga inay howlgeliyaan diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta, si ay ula socdaan xaaladda.

Taiwan ayaa sidoo kale rakibtay gantaallada difaaca hawada ee laga hago dhulka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *