Talaalka COVID-19 Oo Soo Gaaray Soomaaliya

Published: March 15, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula wareegtay tallaalka Cudurka COVID-19, waxaana goobjoog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay inay heshay qeybtii kowaad tallaalka COVID-19 oo noociisu yahay Oxford/Astrazenica, isla markaana loogu tala-galay inay qaataan illaa iyo 300,000 oo qof oo ah shaqaalaha Caafimaadka ee safka hore ugu jira la-dagaalanka xanuunka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaad loogu hambalyeeyay helista qaybtii ugu horreysay oo ah 300,000 oo tallaalka COVID-19 ah.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyeynaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka iyo Dr. Fawziya Abiikar Nuur, imaatinka ay maanta Muqdisho soo gaartay qaybtii ugu horreysay oo ah 300,000 oo tallaalka COVID-19 ah, iyadoo loo marayo hindisaha COVAX”

Qaramada Midoobay

Talaalkan oo laga soo qaaday magaalada Nairobi ayaa horey Qaramada Midoobay qaar kamid ah dalal ku yaalla qaarada afrika u gaarsiisay, waxaana loogu tala-galay in wax lagaga hortago COVID-19 oo kusoo laba kacmeeyay caalamka oo dhan.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *