Taliska Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyey inuu tacaddi u geystay gabar da’yar

Published: November 21, 2022

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay Eedeysane lagu magacaabo Xuseen Xasan Gaaboow, kaasi oo Baraha Bulashada kasoo muuqday isagoo tacidiyad u geysanaya gabar da’yar.

Muuqaalo iyo sawiro Baraha Internet-ka lagu baahiyay ayaa muujinayay ninkaan oo Tacaddiyo u gaysanaya Gabadhaasi yar, taasi oo u muuqatay inuu siiyay Maandooriye.

Taliye Ku xigeenka 2aad ee Booliska booliska soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen oo Qoraal soo saartay kadib Qabashada Ninkaa, ayaa sheegtay in sharciga la hor geyn doono.

Sidoo kale, Zakiya waxaa ay u mahadcelsiay Bulshada Soomaaliyeed oo Xogta Eedaysanaha la wadaagay Booliska.

Horseed Media