Taliska Booliska Soomaaliya Oo Ka Hadlay Madaafiic Kusoo Dhacay Xaafado Kamid ah Muqdisho

Published: July 4, 2023

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in ay qasaare nafeed geysteen hoobiyeyaal macmal ah oo ay khawaarijtu ku soo tuureen xaafado ka mid ah Caasimadda.

Hoobiyeyaashan oo sida uu Afhayeenku sheegay laga soo tuuray duleedka Caasimadda ayay waxyeello kasoo gaartay qoys ku noolaa degmada Waaberi, waxaana ku geeriyooday saddex qof oo uu ku jiro Aabbaha qoyska, halka laba kale oo ay Hooyada reerka ku jirtana uu dhaawac kasoo gaaray.

“Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04-July-2023, abaaro 05:00am, ayaa Kooxda Khawaarijta ah oo caadeysatay dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed, waxay gantaallo macmal ah oo ay soo tuureen ku dhaceen guryo ay dad shacab ah degganaayeen oo ku yaalla degmada Waaberi, falkaas Argagixsadu sameysay ayaa waxaa ku dhintay Aabbe iyo labadiisa carruur ah, waxaana ku dhaawacmay Hooyadii qoyska iyo 2 Caruur ah oo ay dhaleen,waxaa ilaahay u waydiinaynaa inuu u naxariisto dadkii ku dhibtay, caafiyana kuwa ku dhaawacmay”.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay Ciidamada amaanku gacanta kusoo dhigeen eedeysane la rumeysanyahay in uu ku lug lahaa falkaas ayna socoto baaris arrintaasi la xariirta.

Horseed Media