Taliyaha Ciidamada Booliska DFS oo sheegay in la qabtay askarigii dilay dadka shacabka.

Published: April 25, 2020

Gen Cabdi Xasan Xijaar Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in la xiray askari labo qof oo shacab ah ku dilay degmada Boondheere waqtigii uu bilaabanayay Bandowga Muqdisho habeenimadii xalay.

Taliye Xijaar ayaa hadalkan ka sheegay Shirka Guddiga Ka hortagga Cudurka Coronavirus COVID-19, waxaana uu sheegay in cadaalada la marsiin doono, sidoo kale shacabka ayuu ugu baaqay in ay is dajiyaan.

Askariga dilka geystay iyo wiil dhalinyaro ah oo gurigiisa hor fadhiyay ayaa waxaa dhex maray muran, waxaana askariga la sheegay inuu wiilka ku amray inuu xaroodo, balse uu ka dhega adeegay, waxaana markaas kaddib uu ku furay rasaas, taasoo uu goobta ugu geeriyooday, sidoo kale rasaastii ka baxday ayaa waxay haleeshay gabar umul aheyd oo guriga ku jirtay oo iyana dhaawa u dhimatay.

Dilka labadaas qof ayaa waxaa ka dhashay banaan bax rabshado watay, waxaana dadweyne careysan ay taayaro ku gubeen inta u dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo Dugsiga Bartamaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *