Taliyaha ciidanka Booliska oo kulan la qaatay madax iyo Saraakiil Talyaani ah-Sawiro

Published: September 28, 2018

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Taliyaaniga ee Soomaaliya Danjire Carlo Campanile, u qaabilsanaha arrimaha ciidanka ee Safaaradda Italy ee Somalia iyo saraakiil kale.

Kulankaasi ayaa looga hadlay siddii loo sii xoojin lahaa Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Booliska Talyaaniga iyo sidoo kale siddii dawladda Italy ay ugu qeyb qaadan laheyd dhismaha ciidanka Booliska.

Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya danjire Carlo Campanile, ayaa ballan qaaday in dawladdiisa ay kordhin doonto taageerada dib loogu dhisayo ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu ammaanay shaqada adag ee ciidanka ay hayaan iyo howlaha nabadeynta ah ee ka socda Soomaaliya.

Kulanka kadib , Danjire Carlo Campanile iyo u qaabilsanaha arrimaha ciidanka ee Safaaradda Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa waxa ay shahaado sharaf guddoonsiiyeen Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasi oo ku muteystay dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee uu ku sameeyey ciidanka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *