Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya

Published: March 2, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo hoggaaminayey saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa maanta shir la qaatay wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna madaxa hawlgalka kaalmaynta qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Xafiiskiisa.

kulanka ayaa looga hadlay dhammaystirka iyo xoojinta sugidda amniga doorashooyinka dalka, iyada oo Ciidanka geesiyaasha ah ee Booliska Soomaaliyeed lagu bogaadiyey guushii ay ka gaareen sugidda amniga deegaan doorashada Muqdisho, oo la soo gabagabeeyey 25-kii bisha Febraayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *