Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxda howlgalka ATMIS

Published: July 23, 2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la yeeshay madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,( ATMS), Amb. Mohamed El-Amine Suoef, Taliyaha Ciidanka Milatariga ATMIS, Sareeye Guud. Sam Okiding iyo Taliyaha Boliiska ATMIS, Commissioner, Hillary Sao Kanu.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta Ciidanka Boliiska iyo qorshayaaaha hortabinta u leh Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ka hor bixitaanka ATMIS.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tiir dhexaad u ah Ciidamada Qalabka Sida ee JFS ayaa u diyaar garoobaya sidii loo hanan lahaa amaanka dalka maadaama ay mas’uuliyadda  sugida amniga guud ee dalku dhawaan ay la wareegi doonaan Ciidamada JFS.

Horseed Media