Taliyaha Ciidanka dhulka oo gaaray Magaalada Baraawe

Published: February 7, 2022

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana garoonka diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Shabeellada Hoose iyo saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan Baraawe.

Baraawe ayaa ah Magaalada labaad ee loo asteeyay doorashada koonfur Galbeed  waxaana dhawaan ka dhicidoonto doorashada kuraas kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *