Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellah Dhexe

Published: August 20, 2023

Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo sarakiil ciidan ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Agaasimaha Guud xarunta Qaran ee (Tubasan), Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa halkaa waxaa kusoo dhaweeyay xildhibaanno katirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, maamulka degamada iyo sarakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan degaanka.

Taliyaha  Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa booqaday fariisimaha ciidanka xoogga ay halkaa ku leeyihiin, isagoo ciidanka ku dhiirigaliyay shaqada wanaagsan ay dalka u hayaan, waxa uuna ciidamada  faray sida ay muhiim u tahay ka foojignaanta dhagaraha ay khawaarjtu u soo maleegto Shacabka Soomaaliyeed.

Taliiska xoogga dalka oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa wado da’daallo dalka looga xoreynayo kooxda Shabaab ee muddada dheer dhibaatada ku hayay shacabka Soomaaliyeed.