Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo ka badbaaday qarax ka dhacay Janaale

Published: April 1, 2020

Sida ay baahisay Warbaahinta Gudaha Waxaa deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose qarax miino ah lagu weeraray kolanyo ciidan ah oo hogaaminayay taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge.

Qaraxaan ayaa lagu xiray laba neef oo lo’a ah kuwaas oo la istaajiyay wadada ay marayeen kolanyadda ciidamada ah ee Taliyuhu hogaaminayay, Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ka hortageen dhagar ay soo maleegeen Ururka Alshabaab.

Qaraxaan oo dhacay shalay gelinkii dambe ayaa la sheegay in aanu wax khasaare ah ka dhalan, isla markaana Ciidamada ay fashiliyeen qaraxa.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyagoo intaa ku daray inuu si dirqi ah uga badbaaday Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge. Taliyaha iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa ku sugan deegaanka Janaale, iyagoo kormeeraya deegaanka iyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *