Taliyaha Cusub ee ciidamada Ugandha AMISOM oo xilka la wareegay

Published: December 18, 2020

Jeneraal Don William Nabasa ayaa Khamiistii shalay si rasmi ah ulla wareegay taliska ciidamada Ugandha ee ka tirsan AMISOM.

Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Taliyihii soo shaqeenayey sanadkii tagay ee Jeneraal Richard Otto.

Xaflada xil wareejinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidamada Lugta ee wadanka Ugandha Jeneraal Peter Elwelu.

Taliyaha xilka la wareegay Gen.Nabasa maaha nin ku cusub dalka Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaan jiray Taliyihii Komaandooska Ugandha oo ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay gobalka Shabeelada Hoose gaar ahaan qabashadii magaalada Barawe.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *