Taliye ku xigeenkii DANAB Xasan Tuure oo ku geeriyooday weerar lagu qaadday Galcad

Published: January 20, 2023
Shares8

Ururka Al-shabaab ayaa saaka aroortii weerar ku billawday qaraxyo lagu soo raray Gawaari ku qaadday Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Magaaladan oo dhowaan laga qabsaday Al-shabaab waxaa ku sugnaa Ciidamada Dowladda Federaalka & Dadka deegaanka ee iskaashanaya.

Weerarka kadib waxaa dhacay Dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac & burbur hanti, kaas oo soo kala gaaray labada dhinac dagaallamay.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay AHUN Taliye ku xigeenka Ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac dheer (Xasan Tuure), waxa uu kamid ahaa saraakiisha hoggaamineysay howlgalka lagu qabtay Galcad & deegaanno kale.

Taliye Xasan Tuure waxaa la geeriyooday qaar kamid ah Ilaaladiisa inkasta oo aan faah-faahin rasmi ah laga bixin in uu ku dhintay qaraxyada iyo in uu ku naf waayay dagaalka tooska ah ee xigay.

Horseed Media