Published: October 20, 2022

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raagge ayaa kormeer shaqo ku Tegay deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeelada Dhexe halkaas oo dhawaan laga xorreeyey Ururka Al-shababab.
Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa si gaar ah u kormeeray furimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ku sugan deegankaas ku booriyey difaaca shacabka Soomaliyeed iyo sifeeynta kooxda Al-shabaab.
Deegaanka Xawaadleey waxaa ku taalla buundo toos ah oo Al-shabaab iskaga kala gudbi jireen gobolada dhexe iyo gobolada koofureed.
Horseed Media