Taliye Xijaar “ Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada dhacaysa”

Published: April 27, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal ahana Gudoomiyaha amniga doorashada Cabdi Xasan Xijaar oo shir jaraa’id qabtay ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo doorashada gudoonka golaha shacabla ee baarlamaanka 11-aad oo maanta lagu wado inay qabsoonto.

Taliyaha ayaa ayaa sheegay ineysan damaanad qaadi karin amniga teendhada Afisyooni, maadaama aan loo soo gudbin liiska xildhibaanada iyo marti sharafta kale ee madasha ka qeyb galeysa, taasoo lagu balansanaa in laba maalin kahor doorashada loosoo gudbiyo.

“Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada dhacaysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doorasahadaasi, sabab amni darteed.” ayuu yiri Jeneraal Xijaar.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale soo jeediyay in xal laga gaaro khilaafka ka taagan xildhibaanada ka soo baxay Gedo ee doorashooyin iska soo horjeeda lagu kala qabtau magaalooyinka Ceelwaaq io Garbahaareey, wixuuna sheegay in howlahan oo idil ay u taalo gudoomiyaha kumeel gaarka ee golaha shacabka iyo xubnaha la shaqeysa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *