Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliya oo geeriyooday

Published: April 27, 2022

Alle ha u naxariiste waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku geeriyooday taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal, Jaamac Maxamed Qaalib.

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sannadkii 1933-dii ku dhashay Deegaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag. Wuxuuna booliiska ku biiray bishii April sannadkii 1955kii. Sannadihii 1956kii ilaa 1957kii, waxa uu tababarro ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, ka dibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.

Sarreeye-Gaas Jaamac Maxamed Qaalib ayaa noqday taliyahii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya intii u dhexeysay 1962.

Xilligii dowladii Siyaad Barre ayuu xilal kala duwan ka soo Allaha u naxarisitee General Jaamac Maxamed Qaalib waxaana ka mid ahaa isagoo noqday 1974-1976 Wasiirka Arrimaha Gudaha,1977-1978 waxa uu noqday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,1978-1982 Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Miyiga,1982-1984 Wasiirka Gaadiidka.

Xiligii Burburka ayuu sidoo kale ka soo shaqeeyey Dowelad dhiska Soomaaliya, waxa uu kamid ahaa Xildhibaanadii Dowladdii Carta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *