Taliyihii Saldhiga Shibis oo ku biiray Ciidamada kasoo horjeeda Muddo kororsiga Farmaajo

Published: April 26, 2021

Farxaan Axmed Xasan oo ahaa Taliyihii Saldhiga degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu ku biiray ciidamada ka soo horjeeda go’aanka Muddo kororsiga ee fariisimahoodu yahay Agagaarka halka loo yaqaan Mirinaayada ee degmada Cabdulcasiis.

Sarkaalkan oo wata gaadiidka dagaalka iyo ciidamo ayaa galabta gaaray fariisimaha Ciidamada Milatariga iyadoona halkaasi ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha hogaaminaysa howlgalka looga soo horjeedo Farmaajo.

Waxa uu ugu baaqay Ciidamada kale in ay kusoo biiraan howlgalka looga soo horjeeda go’aanka sharci darada ah ee Muddo kororsiga ee ay sameysteen madaxda Dowladda Federaalka.

Sarkaalkan ayaa kamid noqonaya Saraakiisha mudooyinkii ugu dambeeyay ku biiriyay Ciidanka ka yimi gobolka Shabeelaha dhexe ee kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dowladda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *