Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Waaberi oo lagu aasay Muqdisho

Published: May 10, 2021

Allaha u naxariiste Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Waaberi Marxuum Axmed Baashane (Calooley) iyo saraakiil kale ayaa maanta lagu aasay qubuuro ku yaala magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacab ayaa ka qeybgalay aas qaran oo la sameeyay Saraakiishan oo xalay ku geeriyooday Qarax ismiidaamin oo ka dhacay saldhigga Booliiska Degmada Waaberi.

Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa Booliiska Soomaaliya waxa ay sheegeen in ay ku geeriyoodeen tiro 6 ruux oo isugu jira askar iyo saraakiil ciidan kuwaasoo ruux naftii halige ah uu beegsaday xili ay ku sugnaayeen Saldhigga.

Hase ahaate khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaa warar madax banaan ay sheegayaan in uu intaasi ka badan yahay ayna jiraan dad rayid ah oo uu khasaare soo gaaray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *