Tanzania: Hogaamiyaha mucaaridka oo la xiray

Published: November 2, 2020

Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay mid kamid ah hogaamiyayaasha xisbiyada ugu waaweyn dalkaasi xili maanta oo Isniin ah ay mucaaridka ku baaqeen banaanbaxyo ka dhan ah natiijadii doorashadii Madaxweynaha ee uu dib ugu guuleystay Madaxweyne John Magufuli.

Ciidamada ayaa xiray Mr. Freeman Mbowe oo hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ee Chadema.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay heleen xog sheegaysa in mucaaridka ay wadeen rabshado ay doonayaan inay ku khal khal geliyaan amniga dalka.

Xisbiyada Mucaaridka oo gebi ahaan qaadacay natiijadii doorashadii dhacday Arbacadii lasoo dhaafay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la laalo gebi ahaan codbixintii ka dhacday Tansaaniya iyo Jasiirada Zanzibar oo ay sheegeen in la musuq-maasuqay.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *