Tirada Dadka u dhintay Covid-19 ee Gudaha Soomaaliya oo korortay.

Published: April 16, 2020

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen sedax qof oo ka mid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux sida ay xaqiijisay Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya Fowzia Abiikar.

Wasiirada ayaa warbixinta maalin laha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyayna aygaarayso 80 xaaladood.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *