Tirada dadka u dhintey cudurka daacuun oo kor u kacdey, sida UNICEF sheegtay

Published: April 8, 2024
Shares2

Ugu yaraan 60-qof ayaa cudurka daacuunka ugu dhintay Soomaaliya saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, taasoo muujineysa heerka uu cudurkan gaarsiisan yahay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF.

“Waxaa sare u kac weyn ku yimid kiisaska daacuunka saddexdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo gaarsiisan wadar ahaan 4,956 xaaladood oo cusub taas oo ka dhigtey dhimashada 1.2% ee kiisaskan” sidaas waxaa warbixin ku sheegay hay’addaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawlgala.

Kiisaska la soo sheegay, 2,503, ama 51%, waxay ahaayeen dumar, taasoo hoosta ka xariiqday u nuglaanta haweenka ee caabuqa daacuunka, ayay tiri warbixintu.

Sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, tirada kiisaska la soo sheegay sanadkan ayaa saddex jeer ka badan celceliska la soo sheegay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Daacuunku waa caabuq xiidmaha ku dhaca bakteeriyo u faafta cuntada iyo biyaha aan nadiifka ahayn.

Kor u kaca caabuqa daacuunka waxaa inta badan loo aaneynayaa daadad ka dhashay El Nino dhamaadkii 2023, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 118 qof.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, cudurka daacuunka ayaa saameeyay gobollo kala duwan oo dalka ah, iyadoo kiisas muuqda laga soo sheegay Muqdisho, Afgooye, Baydhabo, Buur Hakaba, Marka, Kismaayo, Jowhar, Mahadaay, Beled Weyne, Buulo Burto, Jalalaqsi, Balcad, Boosaaso. iyo Garoowe.

HORSEEDMEDIA