Tiradda Shacabka lagu Xasuuqay Gaza oo kor u dhaaftay 36.700

Published: June 7, 2024

Tiradda shacabka ay Israa’iil ku xasuuqday Marinka Gaza ayaa maanta gaartay 36,731, sida ay maanta oo Jimce ah xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa intaa ku daray in 83,530 qof oo kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen duulaanka Israa’iil.

“Weerarada Israa’iil ayaa lagu dilay 77 qof 221 kalena waa lagu dhaawacay 24-kii saac ee la soo dhaafay,

Dad badan ayaa wali ku jira guryaha burburay hoostooda iyo goobaha ay adag tahay inay si fudud ku gaaraan kooxaha gurmadka deg degta ah” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Israa’iil ayaa sii wada weerarka naxariis darada ah ee ay ku hayso Gaza tan iyo bishii Oktoober ee sanadkii hore, inkastoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray qaraar uu ku dalbanayo xabbad joojin degdeg ah.

Horseed Media