TPEC oo sheegtay inay mar kale qabaneyso doorasho qof & cod ah

Published: May 27, 2022

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland TPEC ayaa xalay Daahfuray Ololaha Waxbarida Codeeyaha iyo Jadwalka Hirgalinta Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland.

Guddiga ayaa sheegay inay udiyaarsanyihiin sanadkan 100% qabashada doorashada golayaasha deegaanka Puntland ee qof iyo cod.

Guddoomiyaha Guddiga TPEC Cabdirsaaq Axmed Siciid ayaa sheegey in la dhameystirayo dhismaha Golaha Deegaanka Eyl oo kamid ahayd wejigii koowaad ee qof iyo cod ee Qardho, Eyl iyo Ufayn.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyn madaxdii iyo dadweynihii kasoo qaybgalay xafladda uga mahad celiyay sida quruxda badan ee ay usoo ajiibeen imaanshaha munaasibadda Daahfurka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *