TPLF oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay galeen magaalo muhiim ah oo katisan Tigrey

Published: October 18, 2022
Shares30

Ciidamada TPLF ee ku sugan waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa xulufadooda ah ay galeen magaalada muhiimka ah ee Shire.

Qabsashada magalaadan muhiimka ah ee ku taalla gobolka Tigray ayaa ku nsoo aadeysa xilli Isniintii xukuumadda Addis Ababa ay sheegtay inay la wareegeyso maamulka garoomada diyaaradaha ee Tigray.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa sheegay in xaaladda Itoobiya ay faraha ka baxday, wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo wadahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda.

Wuxuu intaa ku daray in aan la helin xal militeri oo lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo jabhadda Tigray.

Waxaa hakad galay gargaarkii la gaarsiinayay shacabka tan iyo markii ay dagaallada dib uga bilowdeen Tigray bishii August ee sanadkan kadib muddo shan bilood ah oo xabad joojin ah.