TPLF oo sheegtay in ciidamada Eritrea ay duullaan ku soo qaadeen gobolkooda

Published: September 21, 2022

Afhayeenka ciidamada Tigray ee TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamada dalka Eritrea ay duullaan ku soo qaadeen gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaal culus uu ka soconayo dhowr aag oo ku teedsan xadka sida uu ku daabacay bartiisa twitter-ka.

Ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa warkaasi, halka dowladaha Itoobiya iyo Eritrea aanay arrintaasi wax war ah ka soo saarin.

Fallaagada TPLF ayaa ku dhawaad laba sanadood waxa ay dagaal kula jireen ciidammda federaalka ee Itoobiya iyo xulafadooda.

Horseed Media