Trump: Beesha Caalamka waa inay la xisaabtantaa CHINA – Video

Published: September 23, 2020

Madaxweynaha Marayanka Donald Trump oo khudbadiisa kasoo jeediyey Shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah u weeraray dowlada China.

Trump ayaa inta badan khudbadiisa diirada ku saaray cambaareynta China isagoo ku eedeeyey Shiinaha inay adduunka kusoo fasaxeen Cudurkan saameynta weyn yeeshay ee Covid19, Trump ayaa cudurkan ugu yeeray “China Virus”.

Madaxweynaha Maraykanka oo la filayey inuu yimaado xarunta Qaramada Midoobay ayaa go’aansaday inuu khudabdiisa qaab muuqaal ah loo baahiyo.

Hogaamiyayaasha Caalamka ayaa sanadkan tagin magaalada New York iyagoo soo duubay khudbadahooda maadaama cudurka Covid19 uu weli sii faafayo, waxaana wadan walba shirweynaha sanadkan ku metelaya hal xubin ama diblumaasi.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *